Connect with us

News

Dowladda oo si hor leh usoo biloowday ololaha ka dhanka ah cunaqabataynta hubka

Published

on

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in si hor leh u biloowday ololaha ka dhanka cunaqabataynta hubka, iyada oo shir weyn ku qabatay magaalada Muqdisho.

Tan ayaa ka dambeysay markii sanadkii hore codbixin ka dhacday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay looga horyimid in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya, taas oo dhabarka ka jabisay olole caalami ah oo dowladda u gashay in hubka la fasoxo, iyada oo soo bandhigtay dooddo la xiriira in hawlgalada ciidanka aysan suurtogal ahayn illaa hub la helo.

Hadda dowladda waxa ay ololaha ka biloowday ergadii beesha caalamka ee Soomaaliya joogtay halkii loo dabo mari lahaa dowladahooda, waxaana la isu keenay dhammaan safiirada iyo wakiilada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya jooga.

Safiirka Maraykanka ee Soomaalida mudane Lary Andre ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo gaartay heerkii looga qaadi lahaa cunaqabataynta, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay horumar wanaagsan ka gaartay maaraynta kaydinta hubka iyo illaalintiisa.

La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Xuseen Macalin oo ka qeybgalay shirkan ayaa sheegay in haddii aanan cunaqabataynta hubka laga qaadin Soomaaliya ay adkaan doonto in laga guuleysto Alshabaab.

Midoowga Afrika ayaa ka mid ah ururada waaweyn ee ogolaaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta, balse weli shaqo badan ayaa u dhiman dowladda in ay gaarto hadafka weyn ee ah in hub noocyo kala duwan lasoo iibsado.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: