Connect with us

News

Dowladda oo tirakoob kasoo saartay dagaalada Alshabaab lagula jiro

Published

on

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey soo saartay tirakoob guud oo ku saabsan hawgaladii sanadka ku dhow socday ee ka dhanka ah Alshabaab.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lagu xoreeyay 70 magaalo, lagu dilay 3 kun oo dagaalamayaal Alshabaab, laguna dhaawacay 3700 Alshabaab ah.

Warka dowladda ayaa intaasi lagu daray in qarka loo saaranyahay in la bilaabo wejigii labaad ee hawlgalka, kaas oo ka bilaaban doona Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay in uu jiro qorshe amni oo quseeya caasimadda oo bishan Ramadhaan looga hortagayo isku dayada kooxda Alshabaab ee inta badan ay ku aadiyaan bisha barakaysan.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: