Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhoweynayso go’aanadii kasoo baxay shirkii garaadada ee Laascaano mudada ka socday, shalayna soo gebogeboobay, taasi oo ka dhigan in dowladda federaalka ay la wareegayso maamulka gobolada Sool iyo Sanaag.
War saxaafadeed uu akhriyay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayuu sidoo kale ku sheegay in xukuumadda ay ka xuntahay qasaarihii shacabka ee ka dhashay dagaaladii ka dhacay halkaasi, isaga oo ku baaqay in la qaboojiyo xasaradaha.
Tani waa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka iyo taageerayaasha Sool iyo Sanaa goo intii muddo ahba ku rafaadsanaa sidii ay usoo duwan lahaayeen dareenka dowladda federaalka oo iyadu xeerinaysay wadahadalada lala furi doono Somaliland iyo culees la sheegay in uu kaga yimid dhanka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Lama oga talaabada xigta ee ay dowladda qaadi doonto, balse shirka Laascaano waxaa lagu go’aamiyay in goboladaasi ay si buuxda u hoos tagaan dowladda federaalka, aaminsanyihiina dastuurka kumeelgaarka ah ee federaalka. Waxaase la filayaa in dowladda u magacoowdo mas’uuliyiin kasoo dhex baxa shacabka halkaasi ku dhaqan oo ay iyaga ogolyihiin inta laga gaarayo in maamul u gaar ah ay dhistaan dadkaasi.
Arrin kale oo guul u ah dadkaasi ayaa ah in maamul goboleedka Puntland uu isna si buuxda u aqbalay in shacabka ku dhaqan Sool iyo Sanaag ay aayahooga ka tashadaan, taas oo iyadana ah culees weyn oo ka dagay reer Soo loo muddo ay isku haysteen Puntland iyo Somaliland.