Shir ay shalay yeesheen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu dhagaystay codsi ka yimid dowladda federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada , kaas oo lasoo marsiiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Baalle.
Shirka ayaa waxaa kasoo hor muuqday guddiga Cunaqabataynta Hubka iyo Dhuxusha ee Soomaaliya iyo Yemen oo uu guddoomiye ka yahay Danjire Ishikane Kimihiro oo Japan u dhashay , waxaana lagu soo bandhigay warbixinadii ugu dambeeyey ee guddiga ka diyaariyeen Soomaaliya.
Codsiga ay Soomaaliya gudbisay ayaa ah in xal loo helo dhuxusha tirada badan ee rasaysan Kismaayo, taas oo ay ku dul dhacday cunaqabataynta, qatarna ku haysa deegaanka, waxayna Soomaaliya doonaysaa in ay Qaramada Midoobay ay fasaxdo dhuxushaasi, kadibna aanan la jarin dhuxul kale.
Waxaa sidoo ay Soomaaliya doonaysaa in la fasoxo dhuxusha ku dul xayiran markabka Cumaan ku xayiran ee MV Fox.
Weli ma jiro go’aan ay Golaha ka qaateen codsigani, balse waxa ay u muuqataa in la fasixi doono maadaamaa laga garaabay halista dhuxushani ay ku hayso deegaanka kadib markii ay booqdeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo la socday wasiirka deegaanka Soomaaliya Khadiijo Al Maksuumi.
Dhanka kale safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka codsaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka si ay awood ugu hesho in la dagaalanto kooxda Alshabaab.