Connect with us

Business

Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid heshiis 10 sano ka hor Somaliland la gashay shirkad shidaal

Published

on

Wasaaradda batroolka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay in aysan sharci ahayn heshiis 10 sano ka hor shirkadda Genel Energy la gashay maamulka gooni isu taagga Somaliland.

Heshiiskan ayaa dhacay sanadkii 2012-kii, wuxuuna quseeyaa 2 ceel oo shidaal.

Shirkadda Genel ayaa heshiisyo dheeraad ah la gashay Somaliland sanadkii hore, balse dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka hadashay, lamana oga sababta keentay in dowladda Soomaaliya lasoo daahdo ga’aankeeda.

Shirkadda Genel oo shidaal kasoo saarta gobolka Kurdistan ee Ciraaq ayaanan wax jawaab ah ka bixinin hadalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, halka sidoo kale Somaliland aysan hadal kasoo saarin arrinkan.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: