Connect with us

Business

Dowladda Soomaaliya oo qiratay jarista dhuxusha

Published

on

Wasiirka wasaaradda deegaanka Marwo Khadiijo Al Makhsuumi oo hadal ka jeedisay madal ay isugu yimaadeen wakiiladda beesha caalamka oo looga hadlayay isbadelka cimilada iyo xaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qireyso in jarista geedaha iyo dubista dhuxusha ay tahay arrin ay ku tiirsantahay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Balse waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dedaal ugu jirto sidii ay usoo afjeri lahayd dubista iyo dhoofinta dhuxusha.

Waxa kale oo ay wasiiradda sheegtay in weli ay socdaan hawlaha dhoofinta dhuxusha ee sharci darada ah.

Hadalkan ayaa imanaya xilli wasiiradda ay maalmo ka hor booqatay magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kusoo aragtay kayd dhuxul ah oo muddo sanooyin ah meesha yiilay kadib mamnuucistii dhoofinta dhuxusha ee Qaramada Midoobay.

Dhanka kale wasiiradda ayaa sheegtay in dowladda ay leedahay qorshe lagu magacaabo Qorshaha Cagaaran, kaas oo la doonayo in muddo sanad gudihiis ah lagu beero 10 milyan oo geed.

Booqashadii ay ku tagtay Jubbaland ayay wasiiradda si gaar ah usoo booqatay deegaanka Qaam Qaam, halkaas oo bulshada ku dhaqan ay illaaliyeen dhirta, dhigteena xeer mamnuucaya jarista dhirta, iyada oo ay jireen dad loo ciqaabay dir ay jareen. Xeerka bulshadan ayaa dhigaya in geedka la jaro uu u dhigmo magta qof la diley oo kale.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: