News

Duulimaadyada gudaha Soomaaliya oo la dul dhigay amar lagu wada diirsaday

Published

on

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa shirkadaha diyaaraddaha gudaha dul dhigtay amar muddo dheer dib loo dhigay, loona baahnaa, kaas oo shirkadaha faraya in ay xushmeeyaan xuquuqda iyo waqtiga shacabka rakaabka u ah.

Amarka ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadaha aysan garoonka ku dhex hayn karin rakaabka wax ka badan 3 saacadood oo sugitaan ah, iyada oo markii hore mararka qaar diyaaradaha ay sugi jireen wax ka badan 8 saacadood mararka qaar.

Amarka intaasi kuma eka, ee waxa uu sidoo kale shirkadaha farayaa in aysan rakaabka ballamin karin iyada oo aysan diyaar ahayn diyaaraddii qaadi lahayd, taas oo ah tallaabo kale oo hor dagaysa wixii marmarsiimo ahaa ee ay shirkadaha hadhoow la iman lahaayeen.

Caadiyan shirkadaha ayaa dabeecad ka dhigtay in ay rakaabka ballamiyaan aroorta hore, balse laga yaabo in diyaaradda ay baxdo galinka dambe, iyada oo shacabka saacado dhaadheer ay garoonka iska dhex fadhiyaan, kuna rafaadaan meesha iyada oo laga yaabo in qaarkood ay carruuro wataan ama waayeel iyo dad xanuunsan ay ka midyihiin.

Lama oga in amarkan uu saamayn doono garoomada gobolada iyo sida uu uga dhaqangalayo.

Leave a ReplyCancel reply

Trending

Exit mobile version