Connect with us

News

Eedeymo iyo sheegashooyin kasoo baxaya dagaalkii Laascaano

Published

on

Dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Laascaano ayay warar kala duwan kasoo baxayaan xilli uu qaboobay, ciidamadana weli ku kala suganyihiin aaggagii ay kala joogeen.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye ayaa sheegay in ay dagaalka ku qabteen 20 maxaabiis ah, kulana wareegeen 2 baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo 15 qori.

Dhanka ciidamada shacabka ee SSC ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadday Somaliland, iskana caabiyeen.

Garaadada magaalada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay dishay maxaabiis gacanta u galay, islamarkaasna ay duqeysay goobaha shacabka ee magaalada.

Waxa kale oo ay ku eedeeyeen Somaliland in ay qabisay xabbad joojintii horey ay ugu dhowaaqday, taas oo ay iyaga dhankooda aqbaleen.

Guddiga 33-da ah ee SSC ayaa dhowaan sheegay in ay aqbaleen xabbad joojintii Somaliland, wadahadalna galayaan haddii Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanada Sool iyo Sanaag.  

Somaliland ayaa dhankeeda dagaalada magaalada ku eedeyneysa ciidamo ka yimid Puntland.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: