Connect with us

News

Elon Musk : Waxaan ka baqayaa in Garaadka Macmalka lagu tabobaray siyaasad dhan u janjeerta

Published

on

Mulkiilaha Twitter-ka, ahna maalqabeen caan ah oo inta badan fikradihiisa ay buuq dhaliyaan ninka lagu magacaabo Elon Musk ayaa hadda sheegaya in uu soo wado aalad cusub oo dhanka Garaadka Macmalka ah ama waxa loo yaqaan AI (Artificial Intellengence) si uu uga hortago aaladda cusub ee ChatGPT loo yaqaana ee wax kasta ka jawaabta.

Barnaamijkiisa cusub ee uu qorsheynayo ayuu u bixiyay TruthGPT, wuxuuna sheegay in aaladda cusub ee uu soo saarayo ay bini;aadamka ka caawin doonto in si dhab ah loo fahmo sida adduunyada u shaqayso, isaga oo barnaamijka caanka ah ee ChatGPT ku eedeeyay in lagu tabobaray siyaasaddaha isla qumanaanta ah oo ah kuwa dhan u janjeera sida uu hadalka u dhigey.

Musk ayaa u waramayay taleefishinka FOX ee Maraykanka, waraysigiisa ayaana qeyb ka mid ah la baahiyay isniintan.

Waxa uu Musk qabaa in shuruuc laga soo saaro arrimaha Garaadka Macmalka oo uu qabo in ugu dambeyn ay baabi’in doonaan jiritaanka bini’aadamka, waxyeelo weyna u geysan doonaan dunida haddii ay gacanta u galaan dad qaldan oo aaladahan ku tabobari kara wax kasta oo ay doonaan.

Ninkan qudhiisa ayay shirkadiisa TESLA samaysaa baabuurta batariga ku shaqeeya ee iyaga is wada, kuwaas oo lagu shubay aaladda Garaadka Macmalka ah oo go’aan ka gaari kara socodka baabuurka iyada oo qof bini’aadam ah uusan wadin.

Waxa uu horey qeyb ka uga ahaa shirkadda OpenAI ee soo saartay ChatGPT ka hor inta uusan iska casilin sanadkii 2018-kii sababo lagu sheegay in ay la xiriiraan shirkadiisa Tesla.

Hay’adda Kormeerka Dowladda Maraykanka ayaa dabogal ku haya cilado ku yimid baabuurta is wadda ee Tesla ee Musk kadib markii gaari Tesla ah uu galay shil, kuna dhacay gaari dab damis ah oo meel yiilay gobolka California, tanina waxa ay ka mid tahay ciladaha Muska ka haysta barnaamijkiisa Garaadka Macmalka ah.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: