Connect with us

News

Faallo : Mooshinka muddo kororsiga baarlamaanka

Published

on

Markani wadaanta siyaasadda gunta ayay u dhaadhacday, lamase oga calaw iyo maax midka ay soo qaadayso, balse waa tii la yiri Ceel Biir ah waa la sahmiyaaye, waxa ay u egtahay in xildhibaanada labada Aqal hadda sahan xilli hore ah loogu direy dhanka muddo kororsiga.

Guddoonka labada Aqal ayaa guddi isku dhaf ah oo uu goddoominayo Ra’isulwasaare ku xigeenkii hore Mahdi Guuleed u saaray in ay kasoo talobixiyaan qodobadda 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka ee cayimaya muddo xilleedka laamaha fulinta iyo sharcidajinta oo ah afar sano.

 Guddigan ayaa loo qabtay muddo 10 maalmood ah in labada aqal ay kusoo celiyeen talobixintooda iyo soojeedin, balse biyadhaca taladooda ayaaba haddeerba laga sii warhayaa, waana in muddo xilleedka goleyaasha dowladda lagu daro hal sano, lagana dhigo 5 sano, halkii ay ka ahayd 4 sano.

Dhibka jira ayaase ah in cabqarigii ugu weynaa ee dhanka dastuurka, Prof Maxamed Cusmaan Jawaari, ma jiro qodob ka mid ah dastuurkii la ansixiyay 2012-kii oo dhigaya in shacabka ay baarlamaanka u wakiisheen in ay wax ka badelaan, waana doodda ugu weyn oo ay cuskanayaan dhammaan dadka kasoo horjeedda fikradan.

Arrintan waxaa toos uga horyimid madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed , Ra’isulwareyaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirishiid Cali, Cabdiweli Cali Gaas, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble , iyaga oo sheegay in aysan jirin baahi kalifaysa in sanad lagu daro muddo xilleedka.

Ergeyga madaxweynaha ee Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah buddo gooni u tuman, ayaa isna moowqifkiisa aanan la gabban , balse waxa uu go’aankaasi ugu kacay kacday qiimo adag oo aha in dhammaan mas’uuliyiinti xisbigiisa ay iscasileen , kadib markii kooxda madaxweynaha ay ka dhex kalluumaysteen.

Lama oga sida xisbiga Himilo Qarana u saamayn doono go’aanka Shariif Sheekh Axmed, iyada oo xubno muhiim ah oo xisbigaasi ah ay ku jiraan golaha wasiiradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa olole balaaran u galay arrinta muddo kororsiga, isaga oo marka hore ka bilaabay in dowlad goboleedyada oo dhan uu u ogolaaday in mid kasta uu ku darsado muddo hal sano ah oo dheeraad ah.

Talaabadii ugu dambaysay waxa uu qaaday maalinkii talaadada oo magaalada Dooxa kula kulmay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taageero mug leh ku dhex leh xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, lagana wada hadlay arrinka muddo kororsiga inkasta oo horeyba laisula waafaqsanaa.

Farmaajo ayaa muddo xilleedkiisii sharciga ahaa ku darsaday sanad iyo bar, Xasan Sheekh ayaa horey ugu darsaday lix bilood, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna 2011-kii ku darsaday muddo sanad ah.

Hadda waxaa laisla garoowsaday in halkii gadaal lagaga darsan lahaa, si sharciga waafaqsan xilli hore loogu darsado, maadaamaa afar sano aysan ku filnayn in lagu dhamaystiro ajandayaal badan oo dowladda u yaala.

Balse waxaanan la ogeyn in muddo kororsiga uu halkaasi ku ekaan doono oo shanta sano ay xal waara noqon doonto iyo in kale. Falanqeeyeyaal badan ayaa qaba in arrintani ay noqon karto tusbax furtay.

%d bloggers like this: