Connect with us

News

FBI-da oo xirtay nin qorsheynayay weeraro MN

Published

on

Hay’adda dambi baarista maxaliga ah ee Maraykanka ee FBI ayaa gacanta ku dhigtay nin lagu magacaabo William Smith , kaas oo dabogal lagu sameeyay la ogaaday in uu qorsheynayay weeraro toogasho ah oo ka dhan ah shacabka.

Ninkan ayaa la qabtay kadib markii iibsaday garneelo iyo hub kale, isaga oo xitaa ka fikirayay in uu ku biro kooxaha caddaanka xagjirka ah.

Ninkan ayaa ku noolaa xaafadda Savage ee Minneapolis , isaga oo dadka madoow ku tilmaamay in ay yihiin ‘adeegayaasha Sheeydaanka’ sida FBI-da sheegtay.

Waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira haysashada hubka sharci darada ah.

Ninkan ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad maalinta talaadada ee soo socota.

Baaritaankan ayaa aad loo bogaadiyay xilli ay horey u dhaceen weeraro shacabka lagu qaaday oo laga hortagi karay.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: