Waxaa dib usoo laabanaya dhacdooyinkii sanado ka hor joogtada ah ee ku saabsanaa fuustooyinka sunta ku jirto ee kusoo caarinaya xeebaha Soomaaliya.
Dadka deegaanka degmada Cadale ayaa kusoo waramaya in xeebta ay ku arkeen dhawr fuusto oo ay badda soo tustya, waxayna arrintani sare usii qaadaysaa shakiga ah in badda Soomaaliya ay weli tahay meel lagu qubo sunta.
Arrinta in badda Soomaaliya ay tahay qashin qub , shirkadaha warshadaha dalalka horumaray ay maamulaan ay haraadiga warshadaha ku shubaan badda ayaa ahayd mid si weyn wax looga qorey horraantii sagaashameeyadii, iyada oo weriye Talyaani ah oo baaritaan ku haysay hawshan lagu diley Muqdisho.
Wasaaradda deegaanka iyo isbadelka cimilada ayaa sheegtay in ay koox qubaro ah u direyso halka lagu arkay fuustooyinka si loo ogaado waxa ay yihiin iyo halista ay ku yihiin deegaanka.
Ma jiro tallaabooyin iyo hannaan dowladda federaalka u degsan oo lagaga hortagi karo badda in lagu qubo qashinka maadaamaa aysan shaqayn ciidanka illaalada xeebaha.