Gabadh Soomaali ah oo lagu magacaabo Naciimo Cali ayaa iska casishay shaqadii ay ka haysay wasaaradda arrimaha gudaha Britain ,waxayna eedeyn xooggan usoo jeedisay wasiirka wasaaradaasi haweenayda lagu magacaabo Suella Braverman.
Naciimo ayaa wasiiradda ku eedeysay in ay dhaqangalinayso xeerar lagu takoorayo dadka soo galootiga ah, islamarkaasna ay ku socoto wadadii siyaasadaha takoorka ee siyaasigii midigta fog Nigel Farage ee faraagaha siyaasadda ka dhacay.
“Marka wasiirka arrimaha gudaha uu u hadlayo sida ay hadda u hadlayso, oo waliba loo sacab tumayo, tani waa dhibaato weyn, gaar ahaan marka aad tahay Ra’isulwasaarihii ugu horeeyay ee midab ah ee uu dalka yeesho” ayay tiri Naciimo oo farriin u dirtay Ra’isulwasaare Rishi Sunak.
Dowladda Britain ayaa wadda olole looga hortagayo kumanaan kun oo dad muhaajiriin ah oo sanad kasta soo beegsanaya dalkaasi, iyaga oo kusoo galaya doomo ay kaga soo baxayaan dalka Faransiiska.