Connect with us

News

Garaad Mukhtaar Garaad Cali : Ma jirto waanwaan naga dhaxaysa Somaliland

Published

on

Garaad Mukhtaar Cali Buraale oo ka mid ah garaadada ku sugan Laascaano oo waraysi siiyay Somali American TV ayaa sheegay in uusan ka warqabanin wax waanwaan toos ah oo kala dhaxaysa Somaliland.

Mar weriye Cali Xaraare weeydiiyay in wefti odayaal ah oo Somaliland sheegtay in ay u xilsaartay dhexdhexaadinta ay lasoo xiriireen, ayuu yiri “Waa laga yaabaa in labo odayaasha dhaqanka ah oo saaxiibo ah ay si iskood ah isu maqlaan, balse ma jirto wefti odayaal ah oo nala soo xiriiray ama aan ka warqabno oo dhexdhaaxin ku jira” .

Wuxuu intaasi ku daray in xabad joojinta iyo baaqa nabadda ay kaliya ka maqlaan warbaahinta, balse aysan jirin wax si rasmi ah u socda, taasi badelkeedana ay madaafiicda ku hoobayso magaagalada.

Waxa uu sheegay in shuruudooda koowaad tahay in marka hore ciidamada Somaliland laga saaro Sool, kadib wixii wadahadal ah loo fariisto sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weeydiiyay eedeymaha Somaliland ee ah in ciidamo ka yimid meelo kale ay meesha ka dagaalamayaan, ayuu sheegay in isagaba uu Maraykanka ka yimid, dagaalkana qeyb ka yahay, aysana jirin wax ku jaban qof gobolka u dhashay oo meel kale ka shaqaynayay oo si uu dadkiisa u difaaco Laascaano yimid.

%d bloggers like this: