Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noqday mas’uulkii ugu darajada sareeyay Somaliland oo caddeeya in dambiyo dagaal ka dhaceen magaalada Laascaano.
Waa hadal miisaankiisa aad u culusyahay marka la joogo dublumaasiyadda adduunka iyo xiriirka caalamiga ah, waana qiraal keeni kara in loo cuskado haddii cid ay dacwad ka furato maxkamadaha adduunka.
Isaga oo ku sugan magaalada Laascaano ayuu sheegay in ciidamada Somaliland oo qaadanaya awaamiirta madaxweyne Muuse Biixi ay muddo 3 todobaad ah madaafiic la dhacayeen magaalada, meelaha ay duqeeyeene ay ka mid tahay isbitaalo.
Waxa uu sheegay in isaga shaqsiyan uu metelo dadka reer Laascaano, uuna taageersanyahay go’aanadii kal hore kasoo baxay garaadada, isaga oo madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ka codsaday in ay taageeraan go’aanadaas.
Cabdirisaaq ayaa hadlayay xilli kacdoonka shacabka ee SSC/Khaatumo ay horumar ka sameeyeen dagaalada ay kula jiraan ciidanka Somaliland, kana qabsadeen goobo muhiim ah.