Connect with us

News

Guudlaawe oo u jawaabay madaxweyne Xasan Sheekh

Published

on

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa u muuqda in uu ka jawaabay eedeyn uu dhowaan maamulkiisa u jeediyay madaxweynaha federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ahayd in Hirshabeelle ay yaalaan isbaarooyin badan oo dadka lagu dhibo.

Guudlaawe ayaa isaga oon madaxweynaha si toos ah usoo magac qaadin, iyo dowladda federaalkana toona, haddane sheegay in isbaarooyinka ay u yaalaan ciidamadda Xoogga Dalka oo uu taliyaha guud ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Guudlaawe ayaa sheegay in uu madaxda dowladda la wadaagay walaaciisa ku aaddan isbaarooyinka, balse aanan wax talaabo ah laga qaadin. Waxa uu intaasi ku daray in ay isbaarooyinka ay wax u dhimeen sumcaddii maamulkiisa.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: