Connect with us

News

Halis maka dhalan kartaa goowraca lo’da badan ee Gobolka Banaadir?

Published

on

Maamulka gobolka Banaadir ayaa meel fagaaro ah ku qalqalay xoolo kor u dhaafaya 100 neef oo ah kuwa iskoriska ah oo laga uruuriyay dariiqyada magaalada oo ay muddo ku noolaayeen.

Maamulka ayaa markii ay xoolaha xareeyeen iclaamiyay in dadkii lahaa ay soo doontaan muddo 24 saac gudahood ah, halkii neef oo lo’ ahna laga rabo ganaax lacageed oo dhan $50 doolar, kadibna qofka loo siidaynayo neefka, shuruuddana ay tahay in uu mooradiisa ku xirto ama ka saaro magaalada, iyada oo neefka lagu dhajinayo shabbad muujinaysa in mar la qabtay.

Ciddii waqtigaas kusoo doonan weysa, maamulka waxa uu go’aamiyay in neefkaasi la goowracayo, waana go’aanka ku fulay wax ka badan boqol neef, iyada oo 30 neef oo kaliya dadkii lahaa ay ganaaxa bixiyeen.

Halkase dhibka weyn ka jiro ayaa ah in xoolahani aanan la marin wax baaris caafimaad ah, hilibkiina loo qeybiyay dadka barokacayaasha ah iyo dadka xabsiyada ku jira.

Xoolahan ayaa daaqayay bacaha iyo qashinka magaalada, taas oo su’aal weyn galin karta sida ay ugu habboonyihiin in hilibkooda dadka cunaan.

Waxaa kale oo la isweeydiinayaa in xoolo intaasi la’eg dowladda qasho iyada oo la heli karay siyaabo kale oo loo maareeyo arrinka, islamarkaasna aanan la xeerin xuquuqda xayawaanka , iyada oo aysan jirin baahi rasmi ah oo xoolahani loo qalay.

Dadkii lahaa xoolahan oo warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda aysan ku simin in ay xoolahooda la wareegaan iyaga oo sheegay in ay miyiga uga soo carareen dagaalamayaasha Alshabaab.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: