Hawlaha duulimaadka iyo hawada Soomaaliya ayaa la siiyay darajo cusub oo lagu magacaabo A Class taas oo ka dhigan in bad-qabka gaadiidka cirka ee Soomaaliya uu aad usoo hagaagay, dowladda Soomaaliyana ay xaqiijisay maamulka hawada.
Hawada Soomaaliya ayaa laf-dhabar u ah duulimaadka hawada ee dalalka Bariga Fog, Afrika iyo Aasiya, iyada oo inta badan diyaaradaha ay ku qasbanyihiin in ay adeegsadaan hawada Soomaaliya oo ku taala meel istaraatiiji ah.
Sidoo kale darajadan cusub oo ay bixiso hay’adda duulista adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dambeysay kadib markii garoonka Muqdisho lagu rakibay qalab casri ah oo raadaaro ah oo lagula socdo diyaaradaha, laguna hago, islamarkaasna bixin kara digniinaha hore marka ay halisi jirto.
Darajada A Class ayaa ah hawada inta ka sareysa 24,500 oo fiit hawada sare ah, halkaas oo diyaarado gaar ah ay maraan, wixii hadda ka dambeeyana ay maamulka yeelanayso dowladda Soomaaliya.