Connect with us

News

Haweenay Soomaali ah oo guul weyn ku gaartay 114 cod oo ay heshay

Published

on

Haweenay Soomaali ah oo lagu magacaabo Maryan Xuseen ayaa loo doortay guddoomiya ku xigeenka xisbiga Socialist Party ee dalka Norway oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalkaasi kadib markii ay heshay 114 cod, halka qofkii la tartamayay uu heley 105 cod.

Maryan oo sanadkii 2021-dii noqotay qofkii ugu horeeyay oo Afrika asal ahaan kasoo jeeda ee loo doorta Aqalka Baarlamaanka dalkaasi ugu sareeya ayaa hadda ka mid noqonaysa dadka majaraha u qabanaya xukunka xisbi taageeradiisa ay aad usii badanayso.

Xisbigan ayaa u ololeeya wax ka badelka arrimaha dhaqaalaha iyo deegaanka, wuxuuna kasoo horjeeddaa ka mid ahaanshaha Norway ee Midoowga Yurub iyo Suuqa Yurub.

Waa gabadh xijaaban oo ku kortay Norway, kuna soo shaac baxday u ololeynta in dadka tabarta daran ay helaan kaalmada dowladda.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: