Connect with us

News

Haweenaydii ugu horeysey oo loo dhaariyay barasaabka New York

Published

on

Barasaabkii ugu horeeyay oo dumar ah ayaa loo dhaariyay gobolka New York oo sidoo kale ah xarunta Qaramada Midoobay, iyo mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan dunida.

Marwo Kathy Hochul ayaa noqonaysa qofkii 57-aad ee xilkaasi qabta, iyada oo kusoo gashay xisbiga Dimoqoraadiga , waxayna ballan-qaaday in gobolka ay ka dhigeyso mid nabdoon, islamarkaasna dadka ay awoodi karaan maciishadda.

Kadib markii ay dhaarta ku martay xarunta weyn ee Empire State Plaza Convention Centre ayay tiri “Talaabada koowaad ee aan qaadayno waa in ay noqotaa in aan dariiqyadeena ka dhigno kuwa amni”.

Hochul oo kasoo jeedda degmada Buffalo ayaa ka adkaatay nin ay Donald Trump xulufo yihiin oo lagu magacaabo Lee Seldin.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: