Connect with us

News

Horjooge ‘wasiir’ oo Alshabaab ka tirsan oo la dilay

Published

on

War saxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ayaa lagu sheegay in hawlgal heerkiisu sareeyo oo dhanka cirka ah lagu diley sargaal sare oo Alshabaab ka tirsan, kaas oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Jingaab oo ku magacdheer Wasiir.

Hawlgalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Juxaay, waxaana lala dilay 89 kale oo dagaalamayaal Alshabaab ah.

Dowladda ayaa dhowaanahan faafinaysay warar ku saabsan halwgalo lagu laayay tiro badan oo Alshabaab ka tirsan, waxaana hawlgalada qeybka ah ciidamada Maraykanka oo dhanka cirka ka taageeraya kuwa Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa aad hoos ugu dhigay awooddii dhaqdhaqaaqa Alshabaab iyo isu gurmadka , xilli ay socdaan dagaalo aanan loo kala harin oo shacabka iyo dowladda ku qaadeen Alshabaab.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: