Connect with us

News

Ilhaan Cumar oo kasoo horjeedsatay in la mamnuuco TikTok

Published

on

Xildhibaanada Aqalka Koongareeska Ilhaan Cumar ayaa ku biirtay koox yar oo xildhibaano ah oo xisbiga Dimoqoraadiga ka tirsan, kuwaas oo kasoo horjeedsaday dedaalka lagu doonayo in Maraykanka looga mamnuuco shabakadda TikTik.

Ilhaan ayaa ku doodayso in aysan wax wanaagsan ahayn in si gaar ah loo bartilmaameedsado shabakada gaar ah, taasi badelkeedana ay tahay in lasoo saaro ama la adkeeyo sharciyada lagula dagaalamayo xatooyada xogta iyo wararka been abuurka ah.

Waxa ay sheegtay in inkasta oo ay qabto welwelka ah in dowladdo shisheeye ay si qaldan u isticmaalayaan xogta dadweynaha Maraykanka, haddane taasi aysan ku koobnayn Tiktok, ayna la qabaan shabakadaha Facebook, iyo Twitter iyo kuwa kale.

Wararka been abuurka ah ee la faafiyo ayay sheegtay in iyadu tahay dadka dhibbahana u ah, TikTokna aysan ahayn meesha kaliya ee wararkaasi lagu faafiyo.

Waxa ay cuskatay Dastuurka Maraykanka oo ogolaanaya xoriyadda hadalka iyo soo bandhigista aragtiyada kala duwan, waxayna sheegtay in haddii TikTok la mamnuuco aysan taasi fasiraad fiican ka bixinaynin dhaqanka Maraykanka.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: