News

Ilhaan Cumar oo noqotay ‘xabagta’ isku haysta xisbiga Dimoqoraadiga

Published

on

Xisbiga dimoqoraadiga Maraykanka ayaa wada abaabul heerkiisu sareeyo oo ay xubnaha Aqalka Koongareeska ugu jira uga dhaadhicinayaan in ay ka hor tagaan codka Arbacadan loo qaadayo Ilhaan Cumar in laga saaro guddiga xoogga badan ee Arrimaha Dibedda.

Ilhaan oo horey eedeymo kala kulantay qaar ka mid ah saaxiibada xisbiga kula jira, ayaase hadda lagu tilmaamay ‘xabagta’ isku haysa midnimada xisbiga, gaar ahaanba hormuud u ah dedaalka xisbiga u uku doonayo in u uku wiiqo xisbiga Jamhuuriga oo haatan majaraha u haya aqlabiyadda Aqalka Koongareeska.

Ilhaan ayaa ah qofka kaliya ee sida dhabta ah ugu ololeeyay ka mid noqoshada guddigan, sababtoo ah waxa ay sheegtay in uu micno gaar ah ugu fadhiyo , ayna doonayso in siyaasadda Arrimaha Dibedda Maraykanka ay noqoto mid si dhab ah uga turjunta dhaqanka dimoqoraadiga ee Maraykanka ka jira.

Waxa ay si gaar ah u danaynaysaa in xiriirka Maraykanka iyo Afrika uu noqdo mid ku dhisan run iyo ka dhabaynta waxyaabaha waraaqaha lagu xariiqo, maadaamaa ay iyada ka timid Afrika.

Marka laga tago xisbiga Dimoqoraadiga, waxaa jira xubno badan oo Jamhuuriga ka mid ah oo taageersan Ilhaan, sababtoo ah waxa ay qabaan in Ilhaan aanan lagu xukminin hadalada ay saxaafadda ka sheegto, ee la tixgaliyo shaqsiyadeeda. Warbaahinta Maraykanka ayaa tabisay in la arkayay Ilhaan oo sheeko dheer kula jirta xildhibaano ka tirsan Jamhuuriga.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ogaan doonaa in codka kalsooni kala noqoshada Ilhaan uu guul daraysto iyo in kale.

Leave a ReplyCancel reply

Trending

Exit mobile version