Connect with us

News

Ilhaan Cumar oo xisbiga Jamhuuriga ku eedeysay islaam nacayb

Published

on

Xildhibaanada Aqalka Koongareeska Maraykanka Ilhaan Cumar ayaa xisbiga aqlabiyadda haysta ee Jamhuuriga ku eedeysay islaam nacayb, iyo in aysan doonayn in qof muslim ah uu ku jiro Aqalka Koongareeska.

Ilhaan ayaa tusaale usoo qaadatay hadalo ay jeediyeen mas’uuliin kala duwan oo ka tirsan Jamhuuriga oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore Donald Trump iyo xildhibaano, hadaladaasi oo wax looga sheegayay dadka islaamka ah.

Waxa ay hadda sheegtay in guddoomiyaha cusub ee Koongareeska McCarthy uu sheegay in xildhibaan xisbigiisa ka mid ah uu raaligalin ka bixiyay hadalo islaam nacayb ah oo uu jeediyay, balse waxa ay Ilhaan sheegtay in xildhibaankaasi uusan raaligalinta bixinin.

Iyada oo ka hadlaysay wararka sheegaya in guddoomiyaha Aqalka uu doonayo in uu iyada ka saaro guddiga arrimaha dibedda, ayay sheegtay in xisbigani uusan ku niyad samayn in qof islaam ah uu ka mid ahaado guddiyada muhiimka ah iyo aqalkaba.

Balse in Ilhaan laga saaro guddiga waxaa loo baahanayaa codka aqalka oo dhan.

Ilhaan oo qudheeda lagu eedeeyay in ay wax ka sheegtay Yuhuudda ayaa raaligalin ka bixisay arrinkaasi, balse waxa ay farta ku fiiqday in ay xisbiga Jamhuuriga ku jiraan xildhibaano si furan maalin kasta u weerara Yuhuudda, aanana wax raaligalin ah ka bixinin, balse iyada si gaar ah loogu dan leeyahay.

Qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa kasoo horjeedsaday in Ilhaan laga saaro guddiga arrimaha dibedda, haddii ay cod gaadhana u codeyn doona in Ilhaan ay kasii mid ahaato guddiga.  

%d bloggers like this: