Connect with us

News

Iskuulaadka St. Cloud oo laga bilaabayo xiisado Af Soomaali ah

Published

on

Xarumaha dhallaanka wax lagu baro iyo iskuulaadka St. Clouds ayaa laga bilaabayaa barashada xiisadda Afka Soomaaliga , waana markii ugu horeysey taariikhda dalka Maraykanka oo Soomaaliga xiisad ahaan laga dhigo iskuulaadka.

Tani waxa ay qeyb ka tahay barnaamijka ardayda iyaga oo aad u yaryar lagu barayo afafka ay asal ahaan ku abtirsadaan.

Horey waxaa u jirey maadada Spanish-ka oo hadda si buuxda looga dhigi doono iskuulaadka qaar illaa heer la gaarsiinayo heerka luuqada Ingiriiska.

Laurie Putman oo ka tirsan guddiga waxbarashada ayaa sheegtay in 40% ardayda dhigata iskuulaadka hoose ee St. Clouds ku yaala ay asal ahaan ku hadlaan af aanan ahayn Ingiriis, kuwaas oo kala ah Soomaali ama Spanish.

Labo sano ka hor ayaa guddiga iskuulaadka ay ansixiyeen in dugsiyada sare lagu dhigo afka Soomaaliga.

Cabdiqaadir Bashiir oo ka tirsan urur caawiya qaxootiga ayaa wargeyska Star Tribune u sheegay in barnaamijyada caynkan ah ay ardayda ka caawinayaan in ay ku dhegenaadaan dhaqankooda, gartaana kuwa ay yihiin.

Wakaaladda waxbarashada gobolka ayaa ku hawlan dajinta manhaj Afka Soomaaliga ah oo laga dhigi doono iskuulaadka.

Natalia Copeland oo ka tirsan guddiga maamulka iskuulaadka ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in maadada afka Soomaaliga ay dhaqangasho maadaamaa muddo sanooyin ah lasoo dhirandhiranayay. Waxa ay qabtaa in qofka afafka badan barta uu ka maskax badanyahay ama ka hal abuur wanaagsanyahay qofka hal af uun ku hadla.

Qaar badan oo ka mid ah iskuulaadka Minnesota ayaanan dhigi karin xiisadaha afafka aan ingiriiska ahayn, sababo la xiriira shaqaale yaraan iyo fasalo dheeraad ah oo lagu dhigo oo aanan jirin.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: