Connect with us

Health

Jaamacad raaligalin ka bixisay maxaabiis loo adeegsaday tijaabo caafimaad  

Published

on

Jaamacadda California ee dalka Maraykanka ayaa raaligalin rasmi ah ka bixisay kumanaan maxaabiis ah oo lagu tijaabiyay  dawooyin xanuuno aysanba qabin.

Arrintan ayaa dhacday intii u dhaxaysay sanadihii 1960-meeyadii iyo 197-meeyadii, iyada oo jirkooda lagu mudey dawooyin kala duwan si loo eego natiijada ka dhalan karta.

Arrintan oo lagu ogaaday baaritaan muddo dheer socday ayay jaamacadda sheegtay in ay ka taloowsantahay anshaxa caafimaadka iyo waliba xuquuqdan bini’aadamka.

2,600 oo maxaabiis ah ayaa maray tijaabadan oo aan illaa hadda la ogaanin illaa xadka saamaynta taban ee ay yeelatay.

Madaxa jaamacadda Dan Lowenstein ayaa qirtay kaalinta ay jaamacadda ku lahayd arrintani, wuxuuna sheegay in ay ahayd arrin aanan sinaba u wanaagsanayn.

Afhayeen u hadlay Wakaaladda Asluubta (xabsiyada) ee gobolka California ayaa sheegay in aysan weli akhrin warbixinta jaamacadda, balse ay ka go’antahay in ay dhawraan bad-qabka maxaabiista iyo illaalinta xuquuqdooda.

Warbixinta jaamacadda ayaa xoogga lagu saaray labadii dhaqtar ee hawsha tijaabada ah hormuudka ka ahaa , kuwaas oo kala ah Dr. Howard Maibach iyo Dr. William Epstein, mise cadda cawaaqibka ay la kulmi doonaan warbixinta kadib. Dr. Howard ayaa weli nool, kana shaqeeya jaamacadda, halka Dr. William uu geeriyooday sanadkii 2006-dii.

Maxaabiistii ka qeybqaadatay tijaabada oo iyaga bixiyay ogolaanshahooda ayaa midkiiba uu qaadanayay $30 doolar bishiiba.

Tijaabada lagu sameeyay ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in agtooda la dhigo sanduuq ay kaneeco ka buuxdo , kadibna la eego illaa heerka jirka bini’aadamka uu soo jiito kaneecada.

Ma cadda in tijaabadan lala beegsaday dadka madoow iyo in kale.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: