Madaxweynihii 39-aad ee Maraykanka Jimmy Carter ayaa lagu soo waramayaa in la dhigay goob xanaano ah isaga oo 98 jir ah, waxaynu wararka sheegayaan in xaaladiisa caafimaad laga dayrinayo.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xarunta Dhaxalreebka Carter, waxaa madaxweynihii hore la geeyay xarun ku taala Plains, Georgia. Kadib booqashooyin bukaan socodnimo ah oo uu dhawr jeer isbitaalada ku tagayay, waxa ay xarunta sheegtay in waqtigiisa u dhiman uu ku dhamaysan doono xanaanada guriga, si uu uga ag dhowaado qoyskiisa.
Waa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee Maraykanka soo mara ee nolol intan kusoo gaara.
Jimmy ayaa ahaa barasaab aanan wax badan laga aqoonin oo gobolka Georgia ah markii uu isu sharaxayay madaxweynenimada Maraykanka sanadkii 1976-dii, wuxuuna doorashada kaga reeyay madaxweyne Gerald R. Ford, xilli laga soo baxay fadeexaddii Watergate iyo dagaalkii Vietnam.
Hal muddo xileed ayuu madaxweyne ka ahaa kadib markii uu kursiga si aqlabiyad ah kaga guuleysta Ronald Reagan, markaasi wixii ka dambeeyayna waxa uu Jummy Carter galay olole caalami ah oo lagu taageerayo Dimoqoraadiyadda iyo caafimaadka.
Xaruntiisa Carter waxa ay korjoogtayn ka noqotay 113 doorasho oo dunida daafaheeda ka dhacday tan iyo sanadkii 1989-kii.