Atariishada Amber Heard ayaa bixisay lacag dhan $1 milyan oo doolar oo xaalmarin ah oo ay siisay ninkeedii hore atoore Johnny Depp, halkaasna waxaa kusoo afjarmay dacwaddii u dhaxaysay lammaanahan oo horey u kala tagay.
Gar maqal socdey muddo bilo ah, si weyna loo daawday ayuu atooraha ku eedeeyay Amber in ay sumcadiisa meel uga dhacday kadib markii ay maqaal gef ah ku qortay wargeyska Washington Post sanadkii 2018-kii, sanad kadib markii ay kala tageen.
Maqaalka Amber ayay ku sheegtay in Mr Depp uu si xun ula dhaqmay iyada, islamarkaasna uu sabab u ahaa burburka qoyska, taas oo uu beeniyay atooraha.
Dhagaysiga dacwadda oo sanadkan dhacday kadib ayay garsooreyaasha go’aamiyeen in Amber qaldantahay, tahayna in ay Mr Depp siiso lacag dhan $10 milyan oo xaalmarin ah.
Balse Amber ayaa sheegtay in ay rafcaan ka qaadan doonto xukunta, islamarkaasna uu yahay mid aanan caddaalad ahayn.
Wadahadal kadib, waxa ay hadda ogolaatay in ay bixiso hal milyan doolar , islamarkaasna aysan rafcaan ka qaadan xukunkii hore.
“Micnaheedu ma ahan in aan aqbalay xukunkii maxkamadda, weli waxaan rumeysnahay in uu qaldanaa, balse go’aanka ugu fiican ee rafcaanka kasoo bixi kara waa in kiiska dib loo furo, taasna diyaar uma ahi sababtoo ah garsoorka Maraykanka aad ayuu caddaalad daro u yahay” ayay tiri Amber .
Kiiska lammaanahan hore ayaa ahaa kii ugu caansanaa dhowaanahan.