Connect with us

Business

Jubbaland oo ku hanjabtay in ay qaadayso tallaabo ku aaddan Gedo

Published

on

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu walaac xoog leh ka qabo xaaladaha siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay talaabooyin degdeg ah ka qaadayso gobolkaasi, inkasta oo uusan sheegin waxa ay yihiin tallaabooyinkaasi.

Waxa uu dhanka kale Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Bare iyo xukuumadiisa ugu baaqay in ay wax ka qabato arrinta gobolka Gedo, isaga oo dowladdii hore ee Farmaajo ku eedeeyay in ay abuurtay xaaladaha ka jira gobolkaas.

Dhanka kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay ciidamada kala duwan ee ku sugan Gedo in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha maamulka iyo siyaasadda, islamarkaasna aysan u adeegin dad uu ku tilmaamay in ay wataan danahooda shaqsiga ah.

“Jubbaland waxa ay dadka Gedo gaarsiin doontaa amni, caddaalada iyo adeed” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Waxaa gobolka Gedo ku sugan siyaasiyiin uu ka midyahay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kuwaas oo sheegay in ay hawlgalo ka bilaabayaan gobolkaas, iyaga oo sheegay in ay Alshabaab ka saarayaan illaa magaalada Bu’aale.

%d bloggers like this: