Connect with us

News

Koongareeska Maraykanka oo diiday hindise Soomaaliya ku saabsan

Published

on

Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku diidey qaraar golaha la horkeenay oo lagu dalbanayay in ciidamada Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya.

Xildhibaano gaaraya 321 xildhibaan oo labada xisbiba ka tirsan ayaa diiday, halka 102 ay rabeen in ciidamada lasoo saaro kadib qaraar uu aqalka horkeenay xildhibaan Matt Gaets.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in ciidamada boqolaalka gaaraya ee Maraykanka jooga Soomaaliya aysan difaaci karin danaha Maraykanka, isaga oo sheegay in boqolaal askari aysan la dagaalami karin fikrad ama caqiido diimeed oo faaftay.

Waxa uu sheegay in uu Shiinaha iyo Ruushka kaga baqdin badanyahay wax uu tilmaamay hoggaamiye kooxeedyada Soomaalida.

Ciidamada Maraykanka ayaa Soomaaliya la geeyay sanadkii 2014-kii, waxayna tiro ahaan gaarayaan 750 askari oo u badan tabobarayaal.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: