Connect with us

News

Koongareeska Maraykanka oo markii shanaad ku guuldaraystay doorashada guddoomiye

Published

on

shanaad ayaa maanta la qabtay iyada oo lagu guuldaraystay in uu soo boxo qofka noqonaya guddoomiyaha Aqalka , iyada oo xilkani ay u tartamayeen 3 mushar

Musharaxa xisbiga aqlabniyadda ee Jamhuuriga Mudane Kevin McCarthy ayaa heli waayay codadkii loogu talogalay ee 218 cod , taas oo dhacday kadib markii ay dookha xisbiga ay ka falaagoobeen 20 xildhibaan oo u janjeera dhanka Donald Trump.

Balse Trump laftiisa ayaa ku baaqay in la meelmariyo musharax McCarthy, hase yeeshee dheg looma dhigin.

Xisbiga Dimoqoraadiga ayaa isaga soo sharaxay labo nin oo Madoow ah oo kala ah Xakiim Jeffries iyo nin lagu magacaabo Donalds, kuwaas oo markii ugu horeysay taariikhda Maraykanka loo xusho in ay u tartamaan xilka ugu sareeya Aqalka Sharcidajinta.

Sidoo kale waa markii ugu horeysey taariikhda Maraykanka muddo 100 sano ah oo wareegga koowaad lagu dooran waayo musharax ka socda xisbiga aqlabiyadda.

Ilaa inta laga dooranayo guddoon, ma jirto hawl meelmari karta aqalka, waxaana gebi ahaanba xakad galay dhammaan hawlihii sharcidajinta iyo la xisaabtanka xukuumadda.

Khilaafkan ka dhaxeeya xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa ayaa dhanka kale shaki weyn galinaya sida ay u awoodi doonaan in ay meelmariyaan ajandayaashooda 2-da sano ee soo socota.

%d bloggers like this: