Connect with us

Uncategorized

Kumamaan kalkaalisooyinka Minnesota oo saxiixay qandaraas 3 sano ah

Published

on

Kumanaan kun oo shaqaalaha caafimaadka gobolka Minnesota ayaa ugu dambeyn saxiixay qandaraas shaqo oo seddex sano ah kadib bilo dhawr ah oo ay ku jireen mudaaharaad iyo cabasho, iyaga oo dalbanayay in wax laga badelo xaaladaha shaqo ee 15 isbitaal oo gobolkani muhiimka ah ku yaala.

Qandaraaska cusub ayaa waxaa qeyb ka ah koror dhanka mushaaraadka ah , iyada oo shaqaalaha ka shaqeeya magaalooyinka mataanaha ay helayaan 18% boqolkiiba koror ah, halka kuwa ku sugan dekadaha mataanaha ah ay helayaan 17% boqolkiiba koror ah.

Marwo Mary C. Turner oo ah madaxweynaha ururka kalkaalisooyinka Minnesota ayaa soo dhoweysay go’aanka isbitaalada ay wax uga qabteen cabashadii shaqaalaha oo laf dhabar u ah adeega caafimaad ee gobolkani.

Heshiiskan ayaa imanaya xilli xarumaha caafimaaka ay la tacaalayaan kiisas sii kordhaya ee dureyga iyo xanuunka RSF, iyada sanadihii lasoo dhaafay ay isbitaalada la daalaa dhacayeen shaqaale yaqaan, waqtiga sugitaanka oo aad u dheer, dadka shaqada ka tagaya oo badan iyo waxyaabo kale.

Inkasta oo isbitaalada ay ku kala duwanyihiin, haddane waxyaabaha hadda la ogolaaday waxaa ka mid ah in shaqaalaha loo ogolaado fasax qoys oo mushaarka uu qofka u soconayo.

Sidaasi oo ay tahay shaqaalaha waxa ay sheegeen in weli uu halganka soconayo oo ay jiraan meelo kale oo loo baahanyahay in horumar laga sameeyo.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: