Connect with us

News

Kumanaan turjumaanadii Afghanistan oo Maraykanka ku go’doonsan

Published

on

Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa ku guuldaraystay in uu meelmariyo sharci cusub oo dib u dajin nidaamsan loogu samayn lahaa 76 kun oo turjumaanadii ciidamada Maraykanka kala shaqaynayay Afgahnistan oo sanad ka hor la keenay Maraykanka.

Xeerka lagu magacaabo Saaxiibada Bah-wadaagta oo haystay taageero badan oo labada xisbi ah ayaanan meelmarin sababo la xiriira muran ka taagan hab-raaca hubinta amniga , iyada oo uu doodo badan arrintan ka keenay Mudanaha Aqalka Sare Sen. Chuck Grassley oo qaba in ay qasab tahay in la hubiyo raadka dadkan ka hor inta aanan loo furin waddo ay ku noqon karaan muwaadhiniin Maraykanka ah.

Horey ayuu Maraykanka dib u dajin ugu sameeyay dadkii la shaqeeyay dagaaladii Vietnam, Ciraaq iyo meelo kale.

Dadkan ka yimid Afgahnistan ayaa hadda ku jooga xeer kumeelgaar ah oo waqtigiisa uu dhacayo bisha Agoosto ee sanadka 2023-da, waxayna wajahayaan hubanti la’aan badan oo dhanka sharciga ah.

Qaarkood oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in aysan hadda shaqaysan karin, islamarkaasna heli karin adeegyada asaasiga ah sababo la xiriira sharci la’aanta.

Koongareeska cusub oo fariisanaya maalmo kadib ayaa waxaa aqlabiyadda leh xisbiga Jamhuuriga, kaas ayay tahay in uu dood ka yeesho xeerka cusub ee gaarka u ah reer Afghanistan.

Sen. Grassley wuxuu qabaa in ay waajib tahay in la caawiyo qof kasta oo caawiyay Maraykanka, balse ay meesha ku jirto mas’uuliyad ah in la hubiyo amniga dadka muwaadhiniinta noqonaya.

Balse Sen Chuck Schumer oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Aqalka Sare ayaa sheegay in dadkani ay yihiin kuwa hortabinta iyo muhiimadda leh, maadaamaa ay yihiin dad naftooda halis u galiyay danaha Maraykanka.

Turjumaanadan ayaa la mariyay hubin amni ka hor inta aysan Maraykanka iman, hawshaas oo ka dhacday meelihii ay gashiinka kusii ahaayeen sida Bariga Dhexe iyo Yurub, waxaana qof kasta oo ka mid ah la ogaaday halka uu ka yimid, waxa uu soo qabtay iyo halis amni ka iman karto.

Waxaa laga qaaday faro, sawiro, codkooda oo la mariyay makiinado casri ah oo aqoonsada codadka , xitaa waxaa sawiro laga qaaday calaacalaha gacanta, iyada oo xogtan lala barbardhigay xog kaydsan oo laga hayo dadka lagu yaqaano in ay argagixisada yihiin ama dambiyada gaysteen.

Sidaasi oo ay tahay xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga waxa ay farta ku fiiqeen warbixin wasaaradda arrimaha gudaha ay soo saartay sanadkan taas oo muujinaysa in 2 qof oo Afghanistan ka yimid ay halis amni oo weyn ku leeyihiin Maraykanka, kuwaas oo kusoo dhex dhuuntay dadkii laga soo daadgureeyay Kabul markii ay Taalibaanka qabsanayeen.

%d bloggers like this: