Connect with us

News

Labaatan masaajid oo Minneapolis ku yaala oo loo ogolaaday in sameecad lagu aadaamo

Published

on

Duqa magaalada Minneapolis ayaa qalinka ku duugay sharci cusub oo ka hirgalinaya magaaladan, kaas oo u ogaalanaya masaajidada in sare loo qaado aadaanka shanta salaadood, wuxuuna sheegay in aadaanka uu ka mid yahay sida ganbaleelka kaniisadda.

Duqa magaalada Jacob Fray ayaa sharcigan ku saxiixay masaajidka Daaru Al Hijra oo sanadkii 2020-kii heley shatiga in uu sare u qaado aadaanka xilliga bisha ramadhaan oo kaliya.

Haweenaydii ugu horeysey oo islaam ah oo ka mid noqota Golaha Deegaanka Marwo Caasho ayaa goobjoog ka ahayd saxiixa sharcigan.

Illaa 20 masaajid oo magaalada ku yaala ayaa wixii hadda ka dambeeya kor u qaadi doonaa aadaanka.

Jaylani Xuseen oo ka tirsan ururka u dooda xuquuqda muslimiinta ee CAIR ayaa sheegay in Minneapolis ay tahay tii ugu horeysey magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka ee laga ogolaado aadaanka in sare loo qaado.

Jamaal Cusmaan oo kasoo gala Ward 6 ayaa ka mid ah dadka bogaadiyay talaabadan.  

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: