Connect with us

News

Labada Aqal oo guddiyo u saaray muddo kororsi

Published

on

Guddoonka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa labo guddi oo kala ah u saaray kasoo talobixinta mooshino lagu dalbanayo in muddo xilleedka goleyaasha dowladda laga dhigo shan sano.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Samatar ayaa guddi 10 xubnood ah u saartay in ay kasoo talobixiyaan wax ka badelka qodobada 60 iyo 91-aad ee dastuurka oo dhigaya in muddada xilhaynta madaxweynaha iyo baarlamaanka ay noqonayaan 4 sano, waxaana hadda la doonayaa in shan sano laga dhigo.

Sidoo kale guddoonka Aqalka Sare ayaa saaray guddi kan la mid ah kadib markii 15 xildhibaan ay so gudbisay mooshin muddo kordhin ah.

Balse arrinkan ma ahan mucaarad la’aan, waxaana durba ka hor yimid ergeyga arrimaha abaaraha ee madaxweynaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ka digey in muddo kororsi la sameeyo.

Laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii, waxaa markasta muddada xilhaynta dowladda ku kordhi jirtay sanad aanan la isla waafaqsanayn, taasi oo keeni jirtay khilaaf siyaasadeed, iyada oo dad badan ay ku doodayaan in afar sano ay aad u yartahay in lagu dhamaystiro ajandayaasha dowladda ee madaxda markaasi joogta.

%d bloggers like this: