Connect with us

News

Labo nin Irish ah oo loo maxkamadeynayo dil fool xun oo ay wiil Soomaali ah u geysteen

Published

on

Labo nin oo u dhashay dalka Ireland oo lagu kala magacaabo Viorel Doroscan oo 21 jir ah iyo Otniel Richardo oo 21 jir ah , degena magaalada Dublin ayaa lasoo taagay maxkamad ku taala dalkaasi iyaga oo lala xiriirinayo dilkii foosha xumaa ee loo geystay Maxamed Ilyaas oo ahaa nin dhallinyaro Soomaali ah oo maydkiisa oo jarjaran, bacna ku jira laga heley meel cidlo ah.

Labadan nin ayaa jimcihii lasoo taagay maxkamadda Blanchardstown ee Dublin kadib markii ay ciidamada loo yaqaano Garda (booliiska) soo qabteen labadan eedeysane maalinkii talaadada.

Dilka waxa uu dhacay 9-kii bishii Diseembar, intaasna waa lagu raad joogay eedeysanayaasha. Waxaa lala tiigsanayaa Cutubta afraad ee Xeerka Ciqaabta Ireland ee 1984-tii la meelmariyay.

Maxamed oo asal ahaan ka yimid Soomaaliya ayay qoyskiisa degenyihiin xaafadda Blanchardstown, waxayna ka qeybgaleen dhagaysigii dacwadda.

Garsoore McHugh ayaa booliiska ka dalbay in eedeysanayaasha ay xabsiga ku hayaan, maxkamaddana kasoo muuqdaan 13-ka Janaayo, iyada oo la adeegsanayo qalabka foggaan aragga ah.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: