Connect with us

Business

Maamulaha TikTok oo la kulmay Midoowga Yurub , Sabab?

Published

on

Ninka maamula shabakadda TikTok ayaa magaalada Brussels kula kulmay saraakiil sarsare oo ka tirsan Midoowga Yurub xilli indho shaki leh lagu eegayo shabakadan oo laga leeyahay dalka Shiinaha, balse dunida ku faaftay.

Ninkan oo lagu magacaabo Shou Zi Chew ayaa saraakiisha EU kala hadlaya arrimaha ku saabsan dhawrsanaanta xogta shaqsiga ah, taas oo la sheegay in ay halis ku jirto maadaamaa shabakadan laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu eedeeyo xatooyada xogaha iyo siraha reer Galbeedka.

Kulanka ayaa imanaya xilli gobolo badan oo Maraykan ah la mamnuucay isticmaalka aaladdan, halka dalalka Yurubna ay sii kordheyso cabashada iyo shakiga ay dowladaha ka qabaan shabakadan.

Waxaa cabsida sii huriyay warbixin sanadkii hore Maraykanka uu soo saaray oo ahayd in dad ka tirsan dowladda Shiinaha ay si sharci daro ah ugu dhaceen xogtii kaydsaneyd ee dadka qaar, iyaga oo adeegsanaya shabakadan TikTok.

Waxyaabaha laga cabsida qabo ee la sheegayo waxaa ka mid ah in shirkaddan ay xog badan oo macaamiisheeda ah u direyso dalka Shiinaha, taas oo kasoo horjeedda sharciyada aadka u adag ee Yurub ee la xiriira illaalinta xogta shaqsiga ah.

%d bloggers like this: