Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in shaqalaha dowladda oo ka kooban shan kun iyo xoogaa ay kaliya shaqada xaadiraan kun iyo dhawr boqol oo ka mid ah, afar kun oo kalena aysan shaqo tagin, mushaaraadkana iska qaataan.
Madaxweynaha oo ka hadlayay salaaddii jimcaha masaajid ku yaala madaxtooyada ayaa sheegay in askariga furinta ku jira uu qaato $200 doolar, halka qofka shaqaalaha rayidka ah uu ugu yaraan qaato inta u dhaxaysa $400 illaa $1500, haddane uusan wax shaqo ah qabanin.
Ra’isulwasaare Xamse Cabdi oo la hadlayay agaasimeyaasha guud ayaa sheegay in shaqaalaha maqan ay badankood jiraan dalka dibadiisa, mushaarkana uu ugu soo dhoco sanduuqa bangiga.
Waxa uu agaasimeyaasha faray in ay dib ugu laabtaan wasaaradahooda, sameeyaana isla xisaabtan.
Ra’isulwasaaraha ayaa soo jeediyay in ay habboontahay in dadka maqan lagu badelo dhallinyarada aqoonta leh ee shaqo doonka ah ee dalka jooga, halkii qof maqan mushaar loo diri lahaa.
Waxa uu intaasi ku daray in arrintani ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha asaaska u ah la dagaalanka musuqa.