Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tagay magaalada Baydhabo, waxaa meesha uga sii horeeyay guddoomiyaha baarlamaanka , waxana labadaba ay markii ugu horeysey dedaalkoodii ugu dambeeyay ku bixinayaan xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagnaa Koonfur Galbeed.
Waxa tani lagu tilmaamay culeeskii ugu badnaa ee siyaasadeed ee dowladda dhowaanahan galiso arrimaha dowlad dhiska, iyada oo dadka siyaasadda falanqeeya ay ku tilmaamayaan biseyl iyo casharo laga bartay in khilaafyo aanan waqtigooda la xalin markii dambe ay gaareen meel aanan waxbo laga qaban karin .
Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed waxa uu furmayaa maalinta beri ah oo talaado ah, waxana uu u dhaxeeya madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Lafta Gareen oo dhinac ah iyo siyaasiyiinta kasoo horjeedda oo dhinac ah.
Waxa uu khilaafka ku sal leeyahay muddo kororsi hal sano ah oo uu sameeyay Lafta Gareen markii muddo xilleedkiisa uu soo idlaaday daboyaaqadii sanadkii hore.
Waxyaabaha laga heshiinayo waxaa ka mid ah nooca doorashada la qabanayo marka uu sanadkan dhamaado, iyo sidoo kale in ay suurtogal tahay in mucaaradka qaarkood laga qeybgaliyo dowladda Lafta Gareen.