Connect with us

News

Madaxweynaha Jabuuti oo loo xirey dhulka iyo cirkaba

Published

on

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta tagaya magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qeybgalayo furitaanka xarunta cusub ee guddiga heerka goboleed ee Afka Soomaaliga ee AGA loo yaqaan.

Imaanshiyaha Ismaaciil ayaa loo xirey garoonka Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cusmaan iyo sidoo kale waddooyinka hal-bawlaha ah ee magaalada, taas oo xayiraad badan ku keentay shacabka.

Xarunta oo Ismaaciil iyo Xasan Sheekh ay wada dhagax dhigeen sanadkii 2015-kii ayaa haatan la dhamaystiray, waxaana loo ekeysiiyay sida Aqal Soomaali oo kale.

Waxaa mashruuca qeyb ahaan maalgalisay dowladda Jabuuti, iyada oo dadka kasoo qeybgalaya uu ka midyahay madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Cagjar.

Waxaa Muqdisho sidoo kale ku sugan dhammaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo ay u badantahay in iyaguna ka qeybgalaan munaasabadda.

%d bloggers like this: