Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo booqasho ku joogay gobolka Minnesota ayaa dadkii uu la hadlayay ka dhex arkay Ilhaan Cumar, wuxuuna kala hadlay makarafoonkii uu haystay.
Waxa uu yiri “Ilhaan waad ku mahadsantahay in aad maanta halkan timaadid, waanan kaaga mahadcelinayaa dedaalkaaga had iyo jeer” ayuu yiri madaxweynaha oo hadalkani uu yahay mid dhif iyo naadir ah oo madaxweyne uu boggaadiyo shaqda xildhibaanad Ilhaan oo siyaabo badan hadal hayn uga dhalisay siyaasadda dalka Maraykanka.
Sidaasi oo ay tahay Biden ma uusan ahayn dooqa Ilhaan markii la galayay ololihii 2020-ka ee xiosbiga Dimoqoraadiga uu kusoo xulanayay musharaxa u metalaya doorashada madaxtinimo, xitaa Ilhaan kama aysan dhigan dooqeeda labaad oo waxa ay u codeysay musharixiin kale.
Balse Ilhaan waxa ay sheegtay in ay si weyn uga shaqaynayso midnimada xisbiga Dimoqoraadiga iyada oo aanan loo eegeyn qofka diintiisa, iyo diirkiisa, iyada oo tusaale usoo qaadatay in dhammaan labada boqol iyo dheeraadka xildhibaan ee xisbigan ku leeyahay Aqalka Koongareeska ay iyada u codeeyeen markii codka loo qaaday in ay kasii mid ahaato Guddiga Arrimaha Dibedda, codkaasi oo aqlabiyadda yeesheen xisbigaJamhuuriga oo rabay in Ilhaan meesha laga saaro.
Sida ay qorayaan wargeysyada Maraykanka, Ilhaan hadda ma ahan tixgalinta loo hayo in ay tahay qofkii ugu horeeyey ee Islaam ah, qaxooti ah, xijaaban ee Koongareeska ku jira, ee waxa ay hadda samaysatay sumcad ka weyn taas oo ay shaqadeeda ku muteysatay.
Dadka sida weyn u ammaanay Ilhaan waxaa ka mid ah Xildhibaanka laga soo doorto degmada Vermont Barnie Sanders oo sheegay in Ilhaan ay xaq u leedahay in ay wax ka sheegto dowladda midigta fog ee Israa’iil, taasina aysan ka dhignayn Yuhuud nacayb. Barnie isaga waa nin Yuhuudi ah, wuxuuna Ilhaan ka difaacayaa eedeymaha ah in ay Yuhuudda necebtahay, taas oo dalal badan ka ah dambi kadib xasuuqii uu Hitler u geystay Yuhuudda waxyar ka hor dagaalkii labaad ee adduunka.