Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in dalka laga qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah marka la gaaro 2026-da.
Hadalkan ayuu madaxweynaha horey u sheegay waxyar kadib markii la doortay, wuxuuna hadda ku celiyay isaga oo la hadlayay xildhibaano.
Madaxweynaha ayaa qaba in nidaamka xisbiyada badan uu yahay kan kaliya ee lagu horumarin karo dalkan, loogana qeyb qaadan karo siyaasadda dalka.
Lama oga sida ay suurtogal ku noqon karto arrintan xilli aanan weli la qabanin hawlo badan oo ka horeeya sida diiwaangalinta dadka, meelmarinta sharciyo muhiim ah, iyo sugista amniga.
Balse wararka ayaa sheegaya in dowladda ay doonayso in marka hore ay qabato doorashooyin qeyb ahaan ah cod iyo qof, halkaasna laga ambo qaado doorashooyinka dambe.