Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqasho ku jooga gobolka Minnesota isaga oo ku guda jira Hayaanka Maalgashiga Maraykanka loogu magac daray.
Sida ay sheegtay xildhibaan Ilhaan Cumar, madaxweynaha ayaa booqanaya warshad samaysa qeyb ka mid ah birta baabuurta oo ay ka shaqeeyaan wax ka badan kun shaqaale oo kasoo jeeda qoowmiyado kala duwan.
Minnesota ayaa ka mid ah gobolka sida aqlabiyadda ah uu u maamulo xisbiga Dimoqoraadiga, codka tirada badan uu ka heley madaxweyne Biden doorashadii kal hore.