Connect with us

News

Madaxweyne Biden oo booqanaya xudduuda Mexico oo ay muhaajiriinta kasoo gudbaan

Published

on

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqanaya goobo ku yaala xudduuda uu dalkiisa la leeyahay Mexico, halkaas oo boqolaal muhaajiriin ah kasoo talaabaan bil kasta.

Waxa uu si gaar ah u booqanayaa goobta loo yaqaano El Paso , halkaas oo ah meesha ugu badan ee dadka soo galootiga ah sida sharci darada ah uga soo gudbaan.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu doonayo in uu indhihiisa kusoo arko sida xaalka yahay xilli boqolaal dad kasoo qaxay dalka Hunduras ay halkaasi dhoobanyihiin, kuwaas oo kasoo baxsaday faqriga iyo amni xumada dalkooda ka jirta.

Horey ayay siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ugu eedeeyeen in maamuliisa uu ka gaabinayo in uu xal waara u helo mushkiladda muhaajiriinta.

Waxa uu Biden la kulmi doonaa saraakiisha iyo ciidamada illaalada xudduuda.

Waxaa kale oo uu welwel kasoo jiraa daroogada kasoo gudbaysa xuduudda, taas oo faro ba’an ku haysa shacabka Maraykanka.

John Kirby oo ah afhayeenka la taliyaha amniga qaranka ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in uu indhihiisa kusoo arko sida xaalka yahay.

Hase yeeshee Greg Abbott oo ah barasaabka gobolka Texas ayaa gaashaanka u daruuray booqashada madaxweynaha, wuxuuna sheegay in uusan wax xal ah soo kordhin doonin.

Biden ayaa usii gudbi doona dalka Mexico, halkaas oo ay kulan ku balansanyihiin isaga iyo madaxda dalalka Mexico iyo Canada oo isku ah Waqooyiga Ameerika.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: