Connect with us

News

Madaxweyne Biden oo saxiixay dikreeto Soomaaliya ku saabsan

Published

on

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay dikteeto uu waqtiga ugu kordhinayo xaaladda degdegta ah ee Soomaaliya, taas oo uu Maraykanka ku dhowaaqay sanadkii 2010-kii kadib abaaro halakeeyay Soomaaliya.

Tani ayaa ka dhigan in Maraykanka uu sii wadayo gargaarka uu siiyo Soomaaliya, taas oo sharci ahaan laga jarayo miisaaniyadda Maraykanka.

Biden ayaa dikreetadan u qorey guddoonka labada Aqal ee Maraykanka oo uu ka codsaday in ay meelmariyaan muddo kordhintaasi.

Biden waxa uu sheegay in xaaladda Soomaaliya ay kasii darayso, welina ay jiraan sababihii markii horeba loogu dhowaaqay xaaladda degdegta ah.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa muhiimad weyn siinaysa Soomaaliya sanadihii dhowaa, waxaana soo kordhaya galaangalka Maraykanka ku yeelanayo Soomaaliya.

%d bloggers like this: