Connect with us

News

Madaxweyne Biden oo u muuqda in uu u markale u tartamayo xilka ugu sareeya

Published

on

Inkasta oo uusan weli si rasmi ah ugu dhowaaqin, haddane hadal-jeedintii uu maanta ka hor sameeyay Shirka Qaran ee xisbiga Dimoqoraadiga ayaa u muuqday in uu madaxweyne Biden bilaabay ololihiisa 2024-ta ee madaxtinimada.

Biden oo hadlayay waxyar kadib markii warbixinta heerka shaqada Maraykanka lasoo saaray, taas oo muujinaysay xaalad wanaagsan ayaa ku faanay in dowladiisa ay wax badan ka qabatay horuamrinta Maraykanka.

Waxa uu sheegay in wax laga qabtay caafimaadka, waxbarasha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, salkana loo dhigay jawi wanaagsan oo nololeed.

Waxa kale oo uu Biden ku faanay in Maraykanka uu markale dib ugu soo laabtay hoggaaminta adduunka kadib sanado dhawr ah oo madaxweynihii hore kala irdhoobeen saaxiibadii adduunka.

Biden ayaa eedeeyay xisbiga Jamhuuriga, sheegayna in weli xisbiga uu sii hayo siyaasadihii Trump.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Haris oo iyadana shirka ka hadashay ayaa sheegtay in marnaba aanan la aqbali doonin in jidgooyo loo dhigto horumarka ay Maraykanka ka wadaan, iyada oo farta ku fiiqday xisbiga Jamhuuriga.

Biden ayaa horumar ka sameeyay doorashadii xiliga dhexe ee Maraykanka, taas oo kusii dhiirogalisay in uu markale isu soo taago xilka.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: