Markii la shaaciyay in uu Muqdisho ka dhacayo shir madaxeed ay isugu imanayaan madaxda dalalka dariska ah, wuxuu ahaa war dadka oo dhan ay u dheg taagayeen, lana filayay in saxaafadda madaxa banaan ay ka haqabtirto waxa shirkaasi ka dhacaya.
Hase yeeshee dowladda ayaa gebi ahaanba warbaahinta madaxa banaan ka mamnuucdey shirkaas, waxaana kaliya loo ogolaaday warbaahinta dowladda sida taleefishinka Qaranka, Wakaaladda Wararka, Raadiyaha dowladda iyo xafiiska warfaafinta madaxtooyada, kuwaas oo muuqaalo iyo warbixino lasoo faafreebay usoo gudbinayay warbaahinta madaxa banaan si ay usii tabiyaan.
Mid ka mid ah saxafiyiinta madaxa banaan ee Muqdisho ka hawlgala oo aan la hadalnay ayaa nagu yiri “Waxaa na lagu yiri meel isugu taga gaari ayaa idin qaadi doona, markii xilligii la gaarayna qaar ka mid ah saxaafadda waxaa loo sheegay in meesha baratakoolkeeda ay adagtahay, sidaas awgeedna aanan saxaafadda loo ogolaan karin, qaar kalena taleefoonada waa laga dansaday” ayuu yiri saxafigan oo magaciisa ka gaabsaday.
Saxafiyiinta ayaa sheegay in muuqaalada iyo sawirada shirka lala soo wadaagay kadib markii lagu faafiyay warbaahinta dowladda, taasina ay tahay ‘wa la qabo xiiso ma leh’.
Waxa kale oo ay saxafiyiinta tilmaameen in marka loosoo diro wararka ay kaliya ku qasbanyihiin in warka ay ka galaan xagasha ay dowladda rabto, oo aysan ka fikiri karin xagal kale in ay ka galaan si madax banaan.
Markii uu shirka dhamaaday, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sawir wadajir ah la galay wakiiladdii ka socday warbaahinta dowladda oo uu uga mahadceliyay shaqada ay qabteen.
Arrintan ayaa sii xoojinaysa cabashada ay warbaahinta gudaha ka qabto faaf-reebka lagu samaynayo saxaafadda xilli dalka ay ka socdaan isbadelo waaweyn oo loo baahanyahay in shacabka ula socdaan si aanan mugdi ku jirin.