Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynihii hore ee Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Xasilinta iyo Difaaca Rayidka.
Magacaabistan ayaa hambalyayn dhif iyo naadir ah markiiba kala kulantay safaaradda Maraykanka ku leeyahay Soomaaliya, taas oo la fahamsanyahay in xilkani si weyn u quseeyo marka laga hadlayo hawlaha uu Maraykanka ka qabto Soomaaliya.
Duqeymaha Drone-ka ee uu Maraykanka ka geysto Soomaaliya ayaa marar badan waxaa ka dhashay qasaare shacab oo inta badan aanan laga run sheegin, sidaasi oo ay tahayna dhaleeceyn badan uu Maraykanka kala kulmay gudaha dalkaasi, gaar ahaan Aqalka Koongareeska.
Sanadkii lasoo dhaafay ayuu Aqalka Pentagon-ka Maraykanka sameeyay Xarunta loo yaqaano ee The Centre for Excellence , taas oo qeyb ka ahayd qorshe balaaran oo looga hortagayo qasaaraha Rayidka ee meelaha uu Maraykanka hawlgalada ka fuliyo oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Waxaa xaruntani ka shaqeynaya dad arrimaha rayidka kala taliya ciidanka.
Hadda ka hor ma jirin xafiis iyo mas’uul si gaar ah hawlahan u qaabilsan oo dowladda Maraykanka kala hadasho dhanka Soomaaliya, waana sababta keentay in Maraykanka u hambalyeeyo Waare.
Duqeymaha Maraykanka oo kaliya ma ahan meesha welwelka ka jiro, ee sidoo kale ciidanka Soomaaliya ayaa iyaguna ka mid ah kuwa mararka qaar waxyeeleeya shacabka marka ay ku jiraan hawlgalada, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud taliyeyaasha ciidanka faray in ay Waare si dhow ugala shaqeeyaa hawlaha loo xilsaaray.
Magacaabista Waare ayaa sidoo kale imanaysa xilli Beesha uu kasoo jeedo ee gobolka Hiiraan ay dhowaan shir ku qabteen Nairobi, kagana cabteen in dowladda Xasan Sheekh aysan ka helin qoondo ay ku qancaan, waxaana laga yaabaa ayay falanqeeyeyaasha leeyihiin in tani qeyb ka tahay qancinta beeshaasi.
Arrimaha Xasilinta ayaa iyaguna ah kuwa gudo balaaran oo Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu hawshoonyihiin, gaar ahaan deegaanada cusub ee laga saaray gacanta Alshabaab, halkaas oo ay muhiim tahay in la gaarsiiyo adeegyada asaasiga ah , sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo adeegyada kale, kuwaas oo si dhiig joojin ah loo fulin doono, waana meesha xafiiska cusub ee Waare uu muhiimka ka yahay.
Si kastaba ha ahaatee, Mudane Waare ayaa bilihii dhowaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu codka dheer ee sida fasaaxada leh uga hadlayay arrimaha dib u xoreynta dalka, haddana waxaa la eegi doonaa sida uu uga soo dhalaalo mas’uuliyadan cusub.