Xildhibaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxoow ayaa ku eedeeyay taliyaha hay’adda nabad suggida iyo sirdoonka qaranka ee NISA Mahad Salaad in uu maroorsanayo awoodda NISA,wuxuuna sheegay in uu sharciga NISA ku qortay dhawr iyo tobon qodob oo siinaya awooddo gaar ah.
Xildhibaanka oo ka dhex hadlayay Aqalka Sare xilli laga doodayay sharciga NISA oo ay tahay in uu aqalkani ansixiyo ayuu sheegay in ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharcigan, aysana wanaagsanayn in sidan uu hadda yahay lagu ansixiyo.
Waxa uu sheegay in qodobo badan oo sharciga ku jira ay taliyaha kaliya awood u siinayaan in uu soo magacaabo inta badan hoggaanada iyo taliyeyaasha muhiimka ah ee NISA, taas oo u uku tilmaamay arrin aanan sax ahayn.
Sidoo kale xildhibaan Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in sharcigan uu ogolaanayo in NISA ay xirato qofkii ay doonto, maxkamadna aanan lasoo saari karin taliya, haddii lasoo saarana meel qarsoodi ah lagu qaadayo kiiskaasi.
Xildhibaan Cusmaan Abokor Dube oo isna aragtidiisa ka dhiibtay sharcigan ayaa farta ku fiiqay in sharciga ay ku jiraan qaladaad dhanka mad-bacada ah oo ay ceeb ku tahay in sidaasi uu kaga gudbay Golaha Shacabka. Waxa kale oo uu tilmaamay in aysan sharciga ku xusnayd waajibaadka guud ee hay’adda, taasina badelkeena halkii waajibaadka lagu soo qorey qodobo kale oo farac ah.
Hay’adda NISA ayaa markii ugu horeysey yeelanaysa sharci lagu hago , balse sharcigani ayay dood badani ka taagantahay.