Wax ka badan 2 milyan oo qoys oo reer Minnesota ah oo dakhligooda sanadkii uu ka hooseeyo $150,000 ayaa helaya lacag canshuur dhaaf ah oo dhan $2000 doolar sida lagu sheegay miisaaniyad cusub oo uu soo bandhigay barasaabka gobolka Tim Walz.
Miisaaniyadan ayay tahay in ay ansixiyaan labada aqal ee gobolka ka hor inta aysan dhaqangalin. Miisaaniyadan ayaa lagu saleeyay kadib markii lacago dheeraad ah ay soo baxeen, taasi oo keentay in shacabka danta yar loo daneeyo.
Miisaaniyadda ayaa tiradeeda guud ay tahay $65 bilyan oo doolar, taas oo ay qeyb ka yihiin kororsiimo lagu samaynayo adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.
Dadka lacagahan u qalma ayaa sidoo kale laga dhaafayaa canshuurta heer federaal ay bixiyaan. Waxaa sidoo kale mashruucani uu wax tarayaa qoysaska dabaqada dhexe ee haysta afarta carruur iyo wixii ka badan.
Qoyska dabaqada dhexe ee haysta ayaa heli doona lacag dhan $10,000 kun doolar sida ku cad miisaaniyadda.
Kororka miisaaniyadda ayaa ka dhalatay marka canshuur badan ay soo xarooto, qarashka la isticmaalayna uu yaraado, iyada oo kororka sanadkan uu ka badanyahay $17 bilyan oo doolar.
Xisbiga Jamhuuriga ayaase doonaya in siyaabo kale loo adeegsado lacagaha dheeraadka ah, waxayna duranayaan qaabka dowladda dimoqoraadiyadda u maareynayaan lacagaha dheeraadka ah.